Muqdisho (Dawan) - Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii daahfurtay nidaam dijitaal ah oo caafimaadka safarka la xiriira Ebola, iyadoo dadka dalka soo galaya lagu waajibiyay inay buuxiyaan foom ay ku caddeynayaan xaaladdooda caafimaad ka hor imaanshahooda, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka.
Wasiirka Caafimaadka, Cali Xaaji Aadan, ayaa nidaamka ka daahfuray munaasabad Muqdisho lagu qabtay. Waxa uu sheegay in dadka Soomaaliya soo galaya looga baahan yahay inay foomka si sax ah oo dhammaystiran u buuxiyaan ka hor inta aysan dalka imaan. Wasaaraddu waxay sheegtay in adeegsiga nidaamku yahay bilaash.
Machadka Qaranka ee Caafimaadka ayaa sameeyay nidaamka, kaas oo loogu talagalay inuu shaqaalaha caafimaadka ka caawiyo inay si degdeg ah u aqoonsadaan khataraha caafimaad ee safarrada la xiriira, hubiyaan xaaladda caafimaad ee dadka dalka soo galaya, una fududeeyo dabagalka marka loo baahdo, sida lagu sheegay bayaanka.
Wasiirku ayaa shirkadaha diyaaradaha, maamulka garoomada iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso ka codsaday inay iska kaashadaan hirgelinta nidaamka, dadka safarka ahna ku wacyigeliyaan, isla markaana hubiyaan in habraacyada caafimaadka ee xuduudaha si hufan loo fuliyo. Waxa uu sidoo kale sheegay in xogta caafimaad ee dadka safarka ah si ammaan ah loo maareyn doono, lana ilaalin doono asturnaantooda iyo xuquuqda xogtooda shakhsiga ah, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Machadka Qaranka ee Caafimaadka.