Muqdisho (Dawan) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo cusub oo lagu xoojinayo u diyaar-garowga iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah, kaddib markii Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu magacaabay Guddiga Sare ee Maamulka Sanduuqa Qaran ee Maareynta Khataraha Musiibooyinka.
Guddigan oo ka kooban 16 xubnood ayaa noqon doona hay’adda ugu sarreysa ee hagta jihada guud ee maareynta khataraha musiibooyinka, isku dubbaridka gurmadka bani’aadannimo iyo taageeridda dadaallada qaran ee wax looga qabanayo xaaladaha degdegga ah.
Sida ku cad go’aanka magacaabista, Guddoomiyaha guddiga waxaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), halka Guddoomiye Ku-xigeenka uu yahay Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige.
Guddiga ayaa waxaa sidoo kale xubno ka ah wasiirro ka tirsan xukuumadda, madax hay’ado dowladeed, culimaa’udiin, wakiillo ka socda ganacsatada iyo ururrada bulshada rayidka ah, taasoo muujinaysa dadaalka dowladda ee lagu dhisayo hannaan mideysan oo ka shaqeeya maareynta khataraha musiibooyinka.