Muqdisho (Dawan)- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo diyaarineysaa siyaasad qaran oo lagu hagaajinayo maamulka deeqaha shisheeye, laguna yareynayo kala daadsanaanta mashaariicda horumarineed, sida uu Axaddii sheegay Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene.
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay Muqdisho, halkaas oo uu ka furay kulan wadatashi ah oo soconaya laba maalmood, kaasoo ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin qorsheyn oo ka kala socda dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, agaasimayaal, khubaro iyo la-taliyayaal. Siyaasadda ayaa lagu doonayaa in dhaqaalaha dibadda ka yimaada Soomaaliya lagu waafajiyo qorshayaasha horumarineed ee qaranka, isla markaana la raaco hirgelinta iyo natiijooyinka mashaariicda lagu maalgeliyo deeqaha, ayuu sheegay Beenebeene.
“Waxaan rajeyneynaa in labada maalmood ee soo socda ay kasoo baxdo siyaasad qaran oo hagi doonta mashruuc kasta iyo dhaqaale kasta oo dibadda uga yimaada Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirku.
Dowladdu waxay sidoo kale dooneysaa in siyaasadda cusub ay yareyso kala daadsanaanta mashaariicda ka socda gobollada kala duwan, isla markaana ay xoojiso isku-duwidda deeqaha horumarineed, ayuu sheegay.
Beenebeene wuxuu sheegay in qayb weyn oo ka mid ah deeqaha shisheeye aysan hadda soo marin nidaamka maaliyadeed iyo khasnadda dowladda, taasoo uu sheegay inay u baahan tahay hannaan siyaasadeed oo lagu maareeyo dhaqaalahaas loo yaqaan deeqaha ka baxsan miisaaniyadda (off-budget aid).
“Maadaama lacag badan oo deeqaha kamid ah eysan soo marin system-ka dowladda hadda ee financial-ka, treasury-ga oo ay lacag badan ay budget-ka ey ka baxsantahay, lacagtaas in xal loo helo policy-gii iyo siyaasaddii maareyn laheed,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in siyaasadda cusub lagu raadinayo xal lagu maareeyo dhaqaalahaas.
Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dadaal ugu jirtay hagaajinta isku-duwidda kaalmada horumarineed iyo in dhaqaalaha dibadda lagu waafajiyo mudnaanta qaranka.
Wasaaradda Qorshaynta ayaa sheegtay in Xafiiska Xiriirka Deeq-bixiyeyaasha loo sameeyay xoojinta xiriirka bahwadaagta horumarineed iyo hagaajinta isku-duwidda iyo waxtarka kheyraadka dibadda.