Soomaaliya 15 Nofeembar 2025 — Dowladda Federaalka ayaa u ogolaatay gaadiidka xamuulka inay habeenkii galaan Dekadda Muqdisho , kaddib markii wasaaraddu bilowday nidaam shaqo oo 24 saac ah oo lagu dedejinayo dhaqaaqa xamuulka iyo yareynta ciriiriga.
Tallaabadan ayeey dowladda sheegtay in ay yareyn doonto ciriiriga gaadiidka, kordhin doonto wax-soosaarka, isla markaana xoojin doonto kobaca dhaqaalaha dalka.
Munaasabadda daahfurka ayaa ka dhacday gudaha dekedda Muqdisho, waxaana ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Asad Cismaan Cabdullaahi, Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo), Maareeye Ku-xigeenka Dekedda, Madaxa Shirkadda Muqdisho Alport, iyo saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga ee caasimadda.
Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maamulka iyo shaqaalaha dekedda ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen, isagoo xusay in dhowr jeer oo hore lagu tijaabiyay in dekeddu habeenkii shaqeyso balse aysan suurtogelin sababo la xiriira arrimo amni.








