Muqdisho, 13 Sebteembar 2025 – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Sabtidii daahfuray xarunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka oo laga dhex dhisay xarunta Jaalle Siyaad.
sida ay sheegtay madaxtooyada, xaruntaan lagu qalabeeyay tignoolajiyad casri ah waxayna ujeedadeedu tahay in lagu xoojiyo awoodda difaaca qaranka iyo qorsheynta istaraatiijiyadeed. “Tignoolajiyada lagu rakibay waxay si weyn uga caawin doontaa hawlgallada ciidamada iyo qorsheynta istaraatiijiyadeed,” ayuu madaxweynaha yiri.








