Muqdisho, Maarso 7, 2026 (Dawan)— Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka hirgelisay xaruntii ugu horreysay ee qaran oo lagula tacaalayo weerarrada iyo khataraha internet-ka, xilli dalku wajahayo nuglaansho dhanka dhijitaalka ah kadib weerarro dhacay sannadkii hore.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray xaruntan oo loo bixiyay Kooxda Gurmadka Degdegga ah ee Shilalka Kombiyuutarka Soomaaliya (SOMCERT), taas oo ay maamuleyso Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ).
“Xogtu waxay noqotay saldhigga nolosha maanta. Sidaas darteed ilaalinta xogta dalka, tan hay’adaha dowladda iyo tan shacabka, lagana difaaco wax kasta oo dhibaato u geysan kara, waa arrin aad muhiim u ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse intii ay socotay xafladda daah-furka.
Xaruntan ayaa la aas-aasay kadib markii sannadkii hore la jabsaday nidaamka E-visa ee dowladda, taas oo dhalisay walaac weyn oo ku saabsan amniga xogta.








