Soomaaliya, 121Nofeembar 2025 — Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay heshay xog muujinaysa in dhowr gobol oo dalka ah ay ka socdaan howlo macdan-qodis sharci-darra ah, kuwaas oo aan la ogeysiin dowladda federaalka, isla markaana ay fulinayaan shaqsiyaad aan la aqoon oo ay ku jiraan ajaanib.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Daahir Shire Maxamed, oo wareysi siiyay Telefishinka Dowladda, ayaa sheegay in wasaaraddu ay baadhitaan ku waddo dhaqdhaqaaqyo ka jira Awdal, Sanaag, Bari, Buuraha Golis, Waqooyi Galbeed iyo qeybo kale oo waqooyi ka mid ah, halkaas oo lagu qodayo macdan iyada oo aan wax fasax ah laga haysan dowladda dhexe.
“ Waannu ka warqabnaa. Waxay ka socotaa Boorama, Sanaag, waxay ka socotaa Awdal, Buuraha Golis—dhulkaas oo idil ayay ka socotaa. Bari ayay ka socotaa. Gobolka Benaadir iyo Shabeellaha Hoose naftirkoodana waxaa ka socda in ciid aan sharci ahayn laga qodo, taas oo deegaanka wax u dhimaysa.”— Daahir Shire Maxamed
Wasiirka ayaa tilmaamay in howlahan sharci-darrada ahi ay halis ku yihiin amniga, deegaanka iyo dadka ku nool meelaha laga wado, maadaama qodista macdantu aysan raacin nidaamka sharci ee dalka. Waxa uu sidoo kale sheegay in qodista ciidda sharci-darrada ah ay si xoog leh uga socoto Benaadir iyo Shabeellaha Hoose, taas oo uu ku tilmaamay mid waxyeello u geysanaysa deegaanka.






