Brussels (Dawan)– Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mahadcelisay Golaha Wasiirrada Ururka Waddamada Afrika, Kariibiyaanka iyo Baasifigga (OACPS), kaddib go’aankii lagu cafiyay deyntii ku hartay Soomaaliya oo dhan €591,707.17, una dhiganta qiyaastii $676,735.49.
Sida ay sheegtay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Belgium, Netherlands iyo Midowga Yurub, Khadiija Ossoble Cali, go’aankan ayaa si buuxda u tirtiray deyntii uu ururku ku lahaa Soomaaliya .
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabadan ay muujinayso iskaashiga, midnimada iyo mas’uuliyadda wadajirka ah ee ka dhexeysa dalalka xubnaha ka ah OACPS. Waxay sidoo kale caddeysay inay ka go’an tahay inay si buuxda uga qayb qaadato howlaha ururka iyo fulinta waajibaadkeeda mustaqbalka.