Muqdisho (Dawan)– Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daahfurtay Shabakadda Qaranka ee Hal-abuurka Soomaaliyeed (BIC Somali Network), oo ah hindise cusub oo loogu talagalay xoojinta nidaamka hal-abuurka iyo taageerada ganacsiyada curdanka ah (startups), iyadoo la mideynayo xarumaha kobcinta ganacsiyada (incubators), rugaha ganacsiga iyo hay'adaha dowladda si ay ugu wada shaqeeyaan hannaan isku xiran.
Daahfurka shabakaddan ayaa ka dhacay intii uu socday Madasha Hal-abuurka ee BIC Somali Innovation Forum oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Intii ay madashu socotay, hay'adaha ka shaqeeya hal-abuurka iyo horumarinta ganacsiyada ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya dhammaan dhinacyada ka shaqeeya nidaamka hal-abuurka iyo ganacsiga ee Soomaaliya.
Shabakaddan cusub ayaa qayb ka ah Mashruuca BIC Somali, oo ah barnaamij lagu horumarinayo hal-abuurka iyo ganacsiyada curdanka ah. Mashruuca waxaa maalgeliya Midowga Yurub, halka ay fuliso Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Warshadaha (UNIDO), iyadoo kaashanaysa xarumaha hal-abuurka iyo hay'adaha taageera ganacsiyada ee Soomaaliya.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Ibrahim Cismaan, oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka madasha, ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay hal-abuurka, ganacsiga iyo dijitaalaynta u aragto tiirarka ugu muhiimsan ee kobaca dhaqaalaha dalka. Wuxuu xusay in dowladda ay waddo diyaarinta sharciyada ilaalinta hantida aqooneed si loo ilaaliyo hal-abuurka iyo xuquuqda ganacsatada.