Muqdisho (Dawan) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in ugu yaraan 29 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgallo ka dhacay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, kuwaas oo lagu beegsaday xubno ay hay’addu ku sheegtay inay abaabulayeen falal amni-darro.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay NISA, howlgallada ayaa si wadajir ah u fuliyeen hay’adda iyo saaxiibada caalamiga ah, kaddib markii la helay xog sirdoon oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyo ay wadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo NISA ay sheegtay in lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.
Hay’addu waxay sheegtay in kooxdaasi ay ku howlanaa abaabullo iyo qorsheyaal lagu carqaladeynayo amniga gobolka, isla markaana howlgalka lagu dilay 23 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.