Antalya (Dawan ) – Soomaaliya ayaa ka digtay in ficillada Israa’iil ay khatar gelin karaan amniga marinka istaraatiijiga ah ee Baabul-Mandeb, iyadoo sheegtay in xiisadaha sii kordhaya ay saameyn ku yeelan karaan ganacsiga caalamka iyo isu socodka maraakiibta.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in marinka Baabul-Mandeb, oo isku xira Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, uu yahay marin aad u istaraatiiji ah oo dunidu si weyn ugu tiirsan tahay.
Isagoo ka hadlayay Madasha Diblomaasiyadda Antalya, ayuu xusay in ficillada Israa’iil ay sii xumeyn karaan xaaladda amni ee gobolka, isla markaana ay abuuri karaan khatar ku wajahan marinnada muhiimka ah ee maraakiibta.
“Ficillada Israa’iil waxay keenayaan khatar ku wajahan gobolka. Waxaan rajaynaynaa in dunidu ay garato muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga marinkan,” ayuu yiri.


