Mogdisho (Dawan ) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in ka badan 30 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay hawlgalo qorshaysan oo isdaba joog ah oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.
War-saxaafadeed soo baxay maanta oo Talaado ah, ayay NISA ku sheegtay in hawlgaladu ay ka dhaceen deegaanka Guulane, halkaas oo ciidammada oo garabsanaya saaxiibada caalamka ay beegsadeen goobo ay kooxdu adeegsanaysay.
Hay’adda ayaa xaqiijisay in, in ka badan 33 dagaalame lagu dilay hawlgalladaas, iyadoo sidoo kale sheegtay in lagu burburiyay gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo dhismayaal ay kooxdu u adeegsanaysay isku duba-ridka weerarada.
Weerarka hore ayaa diiradda lagu saaray guryo ay ku sugnaayeen xubno sare iyo dagallamayaa, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 15 dagaalame, laguna burburiyay xarumo loo isticmaali jiray qorshaynta hawlgallada, sida lagu sheegay qoraalka.


