Soomaaliya, 4 Maarso 2026 (Dawan)– Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Araboco ah ansixiyay dhammaystirka Dastuurka dalka, kaasoo calaamad u ah isbeddel looga guurayo dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa ee dalka ka jiray tan iyo 2012.
Codeyntan ayaa ka dhacday fadhi ay wadajir u yeesheen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, kaasoo uu guddoominayay Guddoomiye, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).
Sida uu sheegay Guddoomiyuhu, fadhiga waxaa soo xaadiray 220 mudane, kuwaas oo ka koobnaa 183 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 37 senator oo ka tirsan Aqalka Sare.
Geeddi-socodka codeynta ayaa loo qaybiyay laba marxaladood: codeyn wadajir ah oo lagu ansixiyay cutubyada 4-aad ilaa 15-aad, iyo codeyn guud oo lagu ansixiyay dastuurka oo dhan, taasoo si gooni-gooni ah ay ugu kala codeeyeen labada Aqal. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay in dukumentiga lagu ansixiyay taageero loo dhan yahay, isaga oo sheegay inaysan jirin xildhibaanno ka horyimid ama ka gaabsaday.






