Muqdisho (Dawan ) — Soomaaliya ayaa soo bandhigtay 100 mashruuc maalgashi oo lagu doonayo in lagu soo jiito maalgashi gudaha iyo dibadda ah, sida uu Dawan Media u sheegay mas’uul sare oo ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, xilli uu socday maalinta koowaad ee shir labo maalmood ah oo ka furmay Muqdisho.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Cabdifataax Cabdiqaadir Faarax, ayaa sheegay in mashariicdan lagu soo bandhigayo shirka ay ka qeyb galayaan ganacsatada Soomaaliyeed, kuwa qurba-joogta ah iyo maalgashatada caalamiga ah.
“Waxaan soo bandhigaynaa ku dhowaad 100 mashruuc oo loo diyaariyay heerar caalami ah si maalgashatadu u qiimeeyaan,” ayuu Cabdifataax u sheegay Dawan Media.
Wuxuu sheegay in dowladda ay dhiirrigelinayso in Soomaalida gudaha iyo dibadda ay maalgashi ku sameeyaan dalka, isagoo xusay in walaacyadii la xiriiray amniga ay hoos u dhaceen meelaha qaar.
War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu sheegay in kulanka uu soo qabanqaabiyay Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga (SOMINVEST), isla markaana lagu soo bandhigayo mashariic qaran oo maalgashi oo waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025–2029).
Wasaaradda ayaa sheegtay in mashariicdan loo diyaariyay qaab waafaqsan heerarka caalamiga ah si maalgashatadu u helaan xog cad oo ay ku gaaraan go’aanno maalgashi.


