Muqdisho (Dawan)– Dowladda Soomaaliya ayaa guddoontay 10 aqal-beereed (greenhouses) oo ay ku deeqday Hay'adda Iskaashiga iyo Isuduwidda Turkiga (TİKA), kuwaas oo loogu talagalay in lagu kordhiyo wax-soo-saarka beeraha laguna dhiirrigeliyo adeegsiga farsamooyinka casriga ah ee beerashada, sida ay Axaddii sheegtay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
Aqal-beereedyadan ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Xasan Cabdulle, munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay.
Wasaaraddu waxay sheegtay in mashruucan uu ujeeddadiisu tahay kor u qaadidda wax-soo-saarka beeraha gudaha, bixinta tababaro farsamo iyo dhiirrigelinta adeegsiga hababka casriga ah ee beerashada.
Agaasimaha Guud, Maxamed Xasan Cabdulle, ayaa uga mahadceliyay TİKA taageerada joogtada ah ee ay siiso waaxda beeraha Soomaaliya, isagoo sheegay in aqal-beereedyadani ay ka qeyb qaadan doonaan kordhinta wax-soo-saarka beeraha iyo xoojinta awoodda wax-soo-saarka dalka.