Muqdisho (Dawan) — Shirka 7-aad ee Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumaysiga Soomaaliyeed (FMDC) ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, kadib saddex maalmood oo uu socday.
Shirka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Soomaaliya, waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka kala socday dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Qodobada ugu muhiimsan ee lagu heshiiyay waxaa ka mid ah xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha, la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah (IUU), dhiirrigelinta maalgashiga, iyo horumarinta kaabeyaasha kalluumaysiga.
“Kan waa shir lagu hormarinayo siyaasadaha kalluumaysiga dalka. Muddo saddex sano ah ayuu socday, waxaana si joogto ah iskaga waraysanaynay caqabadaha haysta kalluumaysiga Soomaaliya iyo sidii xal loogu heli lahaa,” ayuu yiri Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya.


