Muqdisho (Dawan) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo Dowladda Sweden ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada maareynta musiibooyinka iyo kor u qaadista awoodda Soomaaliya ee ka hortagga iyo la tacaalidda masiibooyinka dabiiciga ah.
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Sweden iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (Sida), oo ay hoggaaminaysay Annika Jayawardena, Ku-xigeenka Madaxa Qeybta Bariga iyo Geeska Afrika ee Sida.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac ee la xiriira maareynta musiibooyinka, yareynta khataraha ka dhasha iyo horumarinta nidaamyada digniinta hore ee Soomaaliya.