Liibiya, 3 Maarso 2026 (Dawan)– Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay maanta oo Talaado ah inay soo badbaadisay 112 qof, oo ay ku jiraan tobaneeyo u dhashay Suudaan iyo Soomaaliya, kuwaas oo laga helay xeebaha galbeed ee Liibiya kaddib markii ay in ka badan 24 saacadood ku jireen badda.
Kooxdan oo ay ku jireen 39 Suudaani ah iyo 4 Soomaali ah ayaa gargaar caafimaad degdeg ah ka helay UNHCR iyo hay’ad la-shaqeysa oo maamusha xarunta caafimaadka Jugurthine (JMC).
UNHCR ayaa bayaan ay ku daabacday barteeda X (Twitter) ku sheegtay in “waddooyin ammaan ah oo sharci ah si degdeg ah loogu baahan yahay,” iyadoo muujisay khatarta joogtada ah ee ay wajahayaan dadka isku dayaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka.
Badbaadintan ayaa ku soo beegantay xilli uu kordhay qulqulka tahriibayaasha ka baxaya Liibiya. Tan iyo markii uu dillaacay dagaalka Suudaan bishii Abriil 2023, ku dhawaad 552,170 qaxooti Suudaani ah ayaa gaaray Liibiya.







