Soomaaliya (Dawan) – Iska horimaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac baaxad leh, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ku saabsan badbaadada dadka rayidka ah oo ay si wadajir ah u soo saareen Kooxda Ilaalinta Bani’aadantinimo iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qaxootiga (UNHCR).
Warbixinta ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 13 qof ay ku dhinteen, halka 189 kale ay ku dhaawacmeen iska horimaadyadaas.
Waxa sidoo kale lagu xusay in ku dhowaad 12,500 oo qoys ay ka barakaceen guryahooda, kuwaas oo ay ku jiraan haween, carruur, waayeel, iyo dad leh baahiyo gaar ah oo u baahan ilaalin dheeraad ah.
Sida lagu sheegay warbixinta, iska horimaadyadu waxay habeenkii 3-dii Juun ka bilowdeen agagaarka isgoyska Dabka, ka hor inta aysan ku fidin xaafado dhowr ah oo ay dadku ku badan yihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin Howlwadaag, Cabdicasiis, Hodan, Warta Nabadda (Wardiigley), iyo qaybo ka mid ah degmada Karaan.