Addis Ababa (Dawan) – Ciidamada Difaaca Tigray (TPLF) ayaa sheegay inay dib ula wareegeen magaalada Abiy Addi ee deegaanka Tembien, bartamaha gobolka Tigray, iyo laba deegaan oo kale, toddobaad kadib markii ciidamada dowladda federaalka ay sheegeen inay qabsadeen.
Bayaan ay TPLF ku baahisay baraha bulshada ayay ku sheegtay in shalay, weerar ay ku qaadeen ciidamada dowladda, ay “xoreeyeen” Abiy Addi, Shewate Higum iyo Yechila. Kooxda ayaa sheegtay inay burburiyeen ciidamada ay ugu yeereen kiraystayaasha “maamulka Barwaaqo”, oo ah xisbiga talada haya ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. TPLF waxay intaa ku dartay in maalmihii la soo dhaafay ay weerarro ka fuliyeen goobo ay doorteen, kana qaateen hub ciidamada dowladda.