Muqdisho (Dawan ) – Ururka Injineerrada Soomaaliyeed (SEA) ayaa su’aal geliyay naqshadda iyo hirgelinta mashruuca biyo-qabadka Warta Siigaale, kadib markii roobabkii ugu dambeeyay ee ka da’ay Muqdisho ay muujiyeen burbur iyo cillado ka jira qaybo ka mid ah nidaamka.
War-saxaafadeed rasmi ah oo uu ururku soo saaray ayaa lagu sheegay in kormeer hordhac ah oo la sameeyay uu muujiyay burbur ka muuqda dhismaha biyo-mareennada, dhul-goyn ka dhacday hareeraha kanaallada, iyo socod biyo oo ka sarreeya awoodda nidaamka. Arrimahan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo khatar fatahaadeed oo saameyn karta caasimadda haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.
Mashruuca Warta Siigaale, oo la dhagax-dhigay dabayaaqadii Agoosto 2025, ayaa loogu talagalay xoojinta maaraynta biyaha roobka iyo yareynta fatahaadaha Muqdisho, iyadoo uu hormuud ka ahaa Maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Ururka Injineerrada Soomaaliyeed, Eng. Ibraahim Cabdi Xayle, ayaa sheegay in xaaladda hadda muuqata ay muujinayso baahida loo qabo qiimeyn farsamo oo dhammaystiran. Wuxuu xusay in mashruucyada noocan ah ay u baahan yihiin daraasado qoto dheer iyo kormeer joogto ah si loo hubiyo tayada, badbaadada iyo waarta kaabayaasha muhiimka ah.


