Jigjiga (Dawan) – Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa ansixisay miisaaniyad rikoor ah oo dhan 108.9 bilyan oo birr, una dhiganta qiyaastii $675 milyan, sannad-miisaaniyeedka Itoobiya ee 2019 (2026–2027), taasoo noqotay miisaaniyaddii ugu weynayd ee abid uu ansixiyo maamulka deegaanka.
Miisaaniyadda ayaa lagu meel mariyay kalfadhigii ugu horreeyay ee Golaha Fulinta Dowladda Deegaanka Soomaalida, kaas oo sidoo kale ansixiyay warbixinta waxqabadka dowladda ee sannadkii miisaaniyadeed ee hore iyo wax-ka-beddello lagu sameeyay xeerka canshuuraha dakhliga ee deegaanka.
Wasiirka Xafiiska Maaliyadda, Dayib Axmed Nuur, ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay ka badan tahay tii sannadkii hore 66%, taasoo ka dhigaysa tii ugu badneed ee taariikhda maamulka.
Wasiirku wuxuu sheegay in 51% miisaaniyadda laga maalgelin doono dakhliga gudaha ee deegaanka, halka qaybta kale ay ka imanayso dowladda federaalka Itoobiya.