Laas-Caanood (Dawan)– Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay hirgelinta nidaam cusub oo cashuuraha shaqaalaha ah, kaas oo ay sheegtay inuu la mid yahay hababka casriga ah ee laga isticmaalo waddamada Midowga Yurub.
Nidaamkan cusub ayaa diiradda saaraya cashuur laga qaado shaqaalaha iyadoo lagu saleynayo heerka dakhliga, waxaana ujeeddadiisu tahay in la kordhiyo dakhliga gudaha, lana xoojiyo adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, waddooyinka iyo amniga.
Sida ay sheegtay dowlad-goboleedku, nidaamka cashuuraha shaqaalaha ee laga hirgelinayo Waqooyi Bari wuxuu ka tarjumayaa hababka dalalka Yurub, halkaas oo cashuurta shaqaaluhu ay noqoto tiir muhiim ah oo lagu maalgaliyo adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.
Warbaahinta rasmiga ah ee Waqooyi Bari ayaa sidoo kale xustay in boqolleyda cashuuraha shaqaalaha ee caalamka ay kala duwan yihiin, iyadoo dalal badan oo Yurub ah ay gaaraan heerar u dhexeeya 15% ilaa in ka badan 50%, taas oo ku xiran dakhliga qofka.
"Nidaamka cashuuraha shaqaalaha ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya wuxuu tusaale wanaagsan u yahay sida dakhliga shacabka loogu beddeli karo adeegyo tayo leh." ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay baraha bulshada ee Telefishinka Waqooyi Bari.