Jigjiga, 10 December, 2025- (Dawan)- Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa magaalada Jigjiga ka daahfurtay wareegga afaraad ee ololaha tallaalka dabaysha, kaas oo la qorsheeyay inay qaataan in ka badan 1.45 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano. Hirgelinta howshan, waxaa iska kaashanaya Xafiiska Caafimaadka Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo hay’adaha WHO iyo UNICEF.
Ololahan cusub ayaa lagu xoojinayaa hawlgalladii tallaalka ee hore, waxaana si gaar ah diiradda loo saarayo kor u qaadista wacyiga bulshada iyo hubinta in tallaalku gaaro caruurta ku nool deegaanada kala duwan ee deegaanka. Shirkii Jigjiga waxaa ka soo qaybgalay culimo, macallimiin, aqoonyahanno, maamulka degmada iyo hay’adaha caafimaadka, kuwaas oo dhammaantood soo bandhigay sida ay uga go’an tahay taageerida ololaha.








