Muqdisho (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa difaacay muddada xil-haynta shanta sano ah ee lagu qeexay dastuurka dhowaan la ansixiyay, isagoo sheegay in dastuurkii 2012 uu isna qorayay muddadaas, balse markii dambe wax laga beddelay, sidaas darteedna muddada saxda ah ay tahay 5 sano.
Xamse ayaa sheegay in dastuurkii ku-meelgaarka ahaa ee 2012 uu markii hore qaatay muddo shan sano ah oo lagu qorayay laguna diyaarinayay, balse kaddib wax ka beddel lagu sameeyay, taas oo keentay in la qaato muddo-xileedka afarta sano ah ee lagu ansixiyay dastuurkaas.
“Dastuurkii 2012 muddo-xileedka 5 sano ayuu qorayay…, balse gadaal ayaa laga beddelay… Kan hadda la ansixiyay wuxuu si cad u qeexayaa in muddo-xileedku yahay shan sano,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.


