Muqdisho (Dawan) – Xisbiga Himilo Qaran ayaa ka digay xaalad siyaasadeed oo halis ku ah dalka, isagoo ku baaqay in si buuxda loo ilaaliyo dastuurka iyo nidaamka dowladnimada Soomaaliya.
Masuuliyiinta xisbiga ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed, iyadoo laga fogaanaayo tallaabo kasta oo horseedi karta kala qeybsanaan iyo xasillooni darro.
Xisbiga ayaa sidoo kale tilmaamay in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay u baahan tahay xal wadajir ah oo ku dhisan sharci iyo is-afgarad, si looga hortago khilaafyo sii fida.


