Soomaaliya (Dawan)– Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u daahfuray habraaca doorashada hordhaca ah (primaries) ee xubnaha uu uga tartami doono doorashada Golaha Deegaanka Banaadir, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo ka mid ah nidaamka dimoqraadiyadda gudaha xisbiga.
JSP ayaa noqday xisbiga ugu horreeya ee ku dhawaaqay in uu qabanayo doorashooyin hordhac ah si loo soo xulo musharraxiinta rasmiga ah ee uga qeybgalaya doorashada Golaha Deegaanka ee lagu wado in ay qabsoonto 30-ka November.
Guddiga KMG-ga ah ee Doorashada Golaha Deegaanka ee JSP ayaa xaqiijiyay in diiwaangelinta musharraxiinta ay soo xirmatay 20-ka November 2025, iyadoo 522 xubnood oo ka kala socda dhammaan 16-ka degmo ee gobolka Banaadir ay si guul leh isu diiwaangeliyeen.
Guddigu waxa uu adkeeyay in doorashooyinka hordhaca ah lagu qaban doono iyadoo la raacayo xeerarka xisbiga, islamarkaana musharraxiinta lagu boorriyay inay ixtiraamaan hannaanka ololaha iyo anshaxa siyaasadeed inta uu socdo geeddi-socodku.







