Soomaaliya (Dawan)— Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u leedahay awoodda kormeerka hawlaha shidaal soo saarista, isagoo xusay in heshiisyada la galay ay si cad u dhigayaan habraacyada la xiriira maamulka iyo kharashaadka.
Wasiirka oo wareysi gaar ah oo uu siiyay barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media ayaa yiri “Dabcan, heshiiska waxa uu dhigaya in aan anagu awood u leenahay inaan kormeer samayno, kharashaadka galana waa mid si quarter) ah loo xiro", taas oo muujineysa nidaam xisaabeed iyo isla xisaabtan joogto ah.
Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in ay jiraan guddi wadajir ah oo ka kooban labada dhinac ee heshiiska, kuwaas oo si joogto ah u kulma, isla markaana meel mariya howlaha muhiimka ah ee la isku raacsan yahay.
Dhanka kale, Wasiirka ayaa adkeeyay in sharciga batroolka ee dalka uu waajibinayo in hawl kasta ay ku lug yeeshaan muwaadiniin Soomaaliyeed, isagoo yiri: “Wax Soomaali ay qaban karto dibadda looma raadinayo, wax dalku leeyahayna dibadda lagama soo dhoofinayo.”


