Addis Ababa (Dawan) – Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay hannaanki ay u qabsoontay doorashadii 7-aad ee Itoobiya, isaga oo ku tilmaamay codbixintii dhacday 1-da Juun tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hannaanka dimuqraadiyadda dalka.
Bayaan wadajir ah oo maanta oo Arbaca ah ay soo saareen Ergada Midowga Yurub ee Itoobiya iyo safaaradaha dalalka Canada, Norway iyo Switzerland, ayaa lagu ammaanay hay’adaha iyo dhinacyada ka qeyb qaatay diyaarinta iyo hirgelinta doorashada.
“Ergada Midowga Yurub ee Itoobiya iyo safaaradaha dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub waxay soo dhaweynayaan qabsoomidda doorashadii 7-aad ee Itoobiya ee dhacday 1-da Juun 2026,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Doorashadan ayaa dhacday iyadoo in ka badan 54 milyan oo qof oo isdiiwaangeliyay ay xaq u lahaayeen inay codkooda dhiibtaan si ay u doortaan xubnaha baarlamaanka federaalka iyo goleyaasha dowlad-goboleedyada dalka.
Dalalka reer Galbeedka ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaallada ay sameeyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya, howlwadeenada doorashada, xisbiyada siyaasadda, musharraxiinta iyo ururrada bulshada rayidka ah ee ka qeyb qaatay geeddi-socodka doorashada.
Bayaanka waxaa si wadajir ah u saxiixay Midowga Yurub iyo safaaradaha Austria, Belgium, Bulgaria, Czech Republic, Denmark, Finland, France, Germany, Greece, Hungary, Ireland, Italy, Luxembourg, Malta, Netherlands, Poland, Portugal, Romania, Slovakia, Slovenia, Spain iyo Sweden, iyo sidoo kale Canada, Norway iyo Switzerland.
Dalalkan ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay kormeerka doorashooyinka si loo xoojiyo kalsoonida lagu qabo hannaanka dimuqraadiyadeed, iyagoo sheegay inay sugayaan warbixinnada rasmiga ah ee ka soo baxaya kooxaha kormeerka doorashada.
“Anagoo aqoonsan doorka muhiimka ah ee Midowga Afrika iyo IGAD ay ka qaateen kormeerka doorashada, waxaan sugaynaa warbixinnadooda,” ayaa lagu yiri bayaanka.