Yemen, 17 Janaayo 2026 (Dawan) — Hoggaamiyaha kooxda Xuutiyiinta Yemen, Cabdul-Malik al-Xuuthi, ayaa ku hanjabay in kooxdiisu ay beegsan doonto goob kasta oo ciidan ama amni oo ay Israa’iil ku yeelato Somaliland, kaddib aqoonsigii dhowaan ay Israa’iil u fidisay maamulkaas iyo booqasho diblomaasiyadeed oo heer sare ah oo uu wasiirka dibdda ku tegay Hargeysa.
Khudbad uu Khamiistii ka sii daayay taleefishinka, al-Xuuthi ayaa ku sheegay in Xuutiyiintu ay si dhow ula socdaan waxa uu ku tilmaamay “dhaqdhaqaaqa Israa’iil” ee ka socda Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika, isagoo ka digay in saldhig kasta ama goob sugan oo Israa’iil ka dhisato Somaliland loo aqoonsan doono “bartilmaameed sharci ah”.
“Waxaa dhab naga ah inaan beegsanno joogitaan kasta oo ay Israa’iil ku yeelato Somaliland—ha ahaadaan saldhigyo ciidan ama goobo kale oo la mid ah,” ayuu yiri al-Xuuthi, xilli uu jeedinayay khudbad lagu xusayay sannad-guuradii dhimashada aasaasihii kooxda. Wuxuu intaas ku daray in kooxdiisu aysan ka waaban doonin weeraridda goob kasta oo ay gaari karaan.







