Madaxweyne Xasan Sheekh oo sharaxay sababta Soomaaliya u baabi’isay heshiisyadii Imaaraadka
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyay go’aanka dowladda ee lagu baabi’iyay dhammaan heshiisyadii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, oo ay ku jireen kuwa amniga, difaaca, iyo dhaqaalaha. Isagoo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, madaxweynuhu wuxuu sheegay in go’aankaasi ka dhashay walaac la xiriira ilaalinta qarannimada, midnimada dhulka, iyo ixtiraamka hay’adaha dowladda federaalka. Wuxuu tilmaamay in Imaaraadka Carabta uu Soomaaliya kula macaamilay habab kala duwan oo aan mar walba loo marin Dowladda Federaalka. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo dhoweynayso iskaashi caalami ah oo ku dhisan is-ixtiraam, daahfurnaan, iyo sinaan, balse ay qaadi doonto tallaabo kasta oo lagu ilaalinayo danaha qaranka iyo madax-bannaanida dalka.





