Jabuuti (Dawan)— Guddoonka Baarlamaanka Jabuuti ayaa Isniintii, 12-kii Oktoobar, kulan uu yeeshay kaga arrinsaday 14 hindise-sharciyeed, iyadoo diiradda la saaray diyaarinta hawlaha sharci-dejinta iyo isku dubbaridka shaqada baarlamaanka iyo xukuumadda, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Kulanka ayaa waxaa shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Dileita Maxamed Dileita waxaana loo qabtay iyadoo la raacayo qodobbada 19-aad iyo 20-aad ee xeer-hoosaadka Baarlamaanka Qaranka Jabuuti. Shirka ayaa qayb ka ahaa qabanqaabada hawlaha sharci-dejinta iyo isku dubbaridka shaqooyinka baarlamaanka, iyadoo la eegayey 14-ka hindise-sharciyeed ee horyaalla golaha.
Dhinaca xukuumadda, waxaa kulanka uga qaybgalay Ku-simaha Ra'iisul Wasaaraha, ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Xiriirka Baarlamaanka, Cali Xasan Bahdoon. Waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiye-ku-xigeennada Koowaad iyo Labaad ee Baarlamaanka Jabuuti, halka guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka ay goobjoog ka ahaayeen furitaanka shirka.