Addis Ababa (Dawan) – Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (PSC) ayaa ansixiyay labada weji ee ugu horeeya qorshaha lagu dhimayo baaxadda howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya illaa dhammaadka 2027. Golaha ayaa ka digay in dhimista ciidamada ee ka dhalata dhaqaale-yaraantu ay kooxda Al-Shabaab u suurtagelin karto inay dib ula wareegto deegaanno muhiim ah.
War-murtiyeed ansixinta Golaha ayaa la soo saaray Arbacadii, kaddib kulan uu ku yeeshay magaalada Addis Ababa, oo lagu caddeeyay ansixinta wejiga koowaad ee qorshaha, oo soconaya Nofeembar illaa Diseembar 2026, iyo wejiga labaad, oo soconaya Janaayo illaa Diseembar 2027.
Wejiga saddexaad, oo khuseeya muddada ka dambaysa 2027, lama ansixin. Taa beddelkeeda, Goluhu wuxuu Guddiga Midowga Afrika ka codsaday inuu wadahadallo siyaasadeed iyo istiraatiiji ah ka yeesho qaabka howlgalka la-dagaallanka argagixisada ee ugu habboon Soomaaliya kaddib 2027.
Qorshaha kala-guurka ayaa lagu diyaariyay kulan qorshayn wadajir ah oo Muqdisho ka dhacay intii u dhexeysay 18-kii iyo 22-kii Nofeembar. Kulanka waxaa ka qayb galay Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya, dalalka ciidamada iyo booliska ku biiriyay howlgalka iyo Qaramada Midoobay.
“Dhimista ciidamada ee ay sababto dhaqaale-yaraantu, haddii aan la isku dubbaridin, halkii laga samayn lahaa kala-guur si qorshaysan oo wadajir ah loo maareeyo, waxay halis u tahay inay abuurto fursado ay Al-Shabaab uga faa'iidaysan karto inay dib ula wareegto magaalooyin istiraatiiji ah iyo waddooyinka muhiimka u ah saadka,” ayuu Goluhu ku sheegay war-murtiyeedkiisa. Wuxuu ka digay in arrintaasi ay muddo gaaban gudaheed meesha ka saari karto “guulihii sannadaha badan lagu soo dhibtooday”.