Garoowe (Dawan) – Golaha Wasiirrada dowlad-goboleedka Puntland ayaa Khamiistii ansixiyay aasaasidda shirkad kalluumaysi oo ay si wadajir ah u maalgelin doonaan dowladda Puntland, muwaadiniinta iyo maalgashadayaal caalami ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.
Go'aankan ayaa lagu gaaray kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo uu magaalada Garoowe guddoomiyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
Sida lagu sheegay warka, ujeeddada Shirkadda Kalluumaysiga Puntland waa horumarinta khayraadka badda, kobcinta dhaqaalaha iyo dhiirrigelinta maalgashiga kalluumaysiga. Dhinacyada maalgelinaya ayaa iska kaashan doona horumarinta iyo ka faa'iidaysiga khayraadka kalluumaysiga ee Puntland. Madaxtooyadu ma aysan shaacin raasumaalka shirkadda, saamiga uu dhinac walba ku yeelan doono ama cidda ay yihiin maalgashadayaasha caalamiga ah ee ka qayb qaadanaya.