Addis Ababa (Dawan)– Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (PSC) ayaa Soomaaliya ku ammaanay qabashada doorashooyinkii ugu horreeyay ee tooska ah ee Golayaasha Deegaanka, kuwaas oo ka dhacay dhowr gobol, isaga oo ku tilmaamay guul taariikhi ah.
War-murtiyeed uu Goluhu soo saaray kaddib kulankiisii 1,380-aad oo Arbacadii ka dhacay magaalada Addis Ababa, ayuu ku bogaadiyay “guusha taariikhiga ah ee laga gaaray qabashada doorashooyinkii ugu horreeyay ee tooska ah ee Golayaasha Deegaanka ee gobollo kala duwan oo Soomaaliya ah”.
Goluhu wuxuu sidoo kale soo dhoweeyay waxa uu ku tilmaamay “kulamo wax-ku-ool ah” oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la yeeshay dhinacyada kala duwan ee Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan xisbiyada siyaasadda iyo ururrada bulshada rayidka ah. Kulamadaas ayuu Goluhu ku tilmaamay qayb ka mid ah dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida, gaar ahaan deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab, iyo diyaarinta doorashooyinka qaranka ee loo qorsheeyay sannadka 2027.