Jabuuti (Dawan) – Booliiska Qaranka Jabuuti ayaa gacanta ku dhigay nin lagu tilmaamay inuu yahay hoggaamiye burcad ah oo lagu eedeeyay afduub iyo jirdil uu u geystay bulshada, iyadoo boolisku sheegay inuu khatar ku ahaa amniga guud.
Eedeysanahan oo aysan boolisku shaacin magaciisa ayaa lagu soo qabtay howlgal lagu beegsanayay dambiyada abaabulan, sida ay sheegeen ilo amni.
Ninkan oo ay saraakiisha amnigu sheegeen inuu baxsad ahaa, ayaa la qabtay toddobaadkii hore, kadib markii ay ciidamada booliiska ee saldhigga degmada 1-aad ku guuleysteen inay joojiyaan dhaq-dhaqaaqiisa. Tani waxay qayb ka tahay dadaallada lagu xakameynayo dambiyada abaabulan, iyadoo shalay la soo bandhigay muuqaalkiisa.


