Muqdisho (Dawan) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Bulshada Bariga Afrika ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cali Cumar Maxamed, ayaa sheegay in nabad waarta oo ka dhalata Geeska Afrika aan lagu gaari karin kala qaybsanaan ama dano siyaasadeed oo gaaban, balse ay ku imaan karto oo keliya ixtiraamka sharciga caalamiga ah iyo taageeridda dowlad Soomaaliyeed oo mideysan.
Maqaal uu qoray oo uu si gaar ah ay u baahisay Dawan Media, ayuu wasiirku ku sheegay in madax-bannaanida Soomaaliya aysan ahayn arrin shuruud ku xiran, ama laga gorgortami karo. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xiriir kasta oo si toos ah loola yeesho maamullada dalka ka jira iyadoo laga tallaabsanayo dowladda federaalka, gaar ahaan arrimaha milatariga, badda iyo istaraatiijiyadda gobolka, uu ka hor imaanayo sharciga caalamiga ah isla markaana khatar ku yahay xasilloonida gobolka.
Wasiirku wuxuu ka digay in aqbalidda mabda’a ku dhisan la macaamilka maamullada maxalliga ah ay albaabka u furi karto kala daadashada dowladaha iyo dhiirrigelinta dhaq-dhaqaaqyada gooni-u-goosadka ah ee Afrika iyo meelo kale oo dunida ah.
Cali Cumar Maxamed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo dhoweynayso maalgashiga iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ka hirgelaya, balse aysan aqbali doonin in mashaariic dhaqaale ama kaabayaal dhaqaale loo adeegsado dano siyaasadeed oo lagu wiiqayo midnimada dalka ama lagu abuuro xaalado cusub oo ka baxsan nidaamka dastuuriga ah.


