Nugaal (Dawan)– Ciidanka Badda Turkiga oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta soo furtay markabka MV LATUF, oo koox burcad-badeed ah ay afduubtay 17-kii Agoosto, xilli uu marayay agagaarka xeebta Jifle ee degmada Eyl, gobolka Nugaal, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Hawlgalkan oo socday muddo toban maalmood ah ayaa lagu bartilmaameedsaday kooxihii burcad-badeedda ee gacanta ku hayay markabka. Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga, afar doon oo ay adeegsanayeen burcad-badeedda ayaa lagu burburiyey hawlgalka, halka 14 ka mid ah burcad-badeedda lagu dilay.
Cadaadis joogto ah oo ay ciidamada saareen kooxihii afduubka geystay ayaa ugu dambeyn sababay in haraagga kooxdii markabka haystay ay ka cararaan markabka, iyadoo ciidamada ay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-hayntiisa.
Markabka MV LATUF ayaa hadda si nabad ah u sii wada socdaalkiisii, kaddib markii laga xoreeyey gacanta burcad-badeedda, sida ay Wasaaraddu xqiijisay.