Muqdisho (Dawan) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ka fuliyay deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo ku dilay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, oo uu ku jiray horjooge sare, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
"Howlgalka ayaa lagu khaarajiyay horjooge lagu magacaabi jiray Abuu Cabdalla, kaas oo muddo dheer ku lug lahaa abaabulka iyo fulinta falalka argagixisanimo ee lagu dhibaateynayay dadka deegaanka" ayaa lagu yiri, qoraalka Wasaaradda


