Addis Ababa (Dawan)— Bangiga Qaranka Itoobiya ayaa soo saaray digniin cusub oo ku saabsan 17 shirkadood oo aanu bangigu siin ruqsad, kuwaas oo uu sheegay inay si sharci-darro ah adeegyo xawaaladeed ugu fidiyaan qurbajoogta Itoobiya.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah olole sii xoogeysanaya oo lagula dagaallamayo shabakadaha xawaaladaha aan rasmiga ahayn, iyadoo bangigu dadweynaha uga digay adeegsiga adeegyada shirkadaha aan haysan ruqsadda.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Bangiga, shirkadaha liiska lagu daray waxaa ka mid ah Adulis Money Transfer, Amana Express, Bakaal Money Transfer, Ramada Pay (Kaah), Tasa Pay, World Direct Link, Amal Express, Avanti, Jubba Express, Shgey Money Transfer, Tawakal Money Services, Zola, Amal USA, Awash Direct, Rasmy Pay, Taaj Financial Service iyo USwyre.
Bangiga Qaranka Itoobiya ayaa carrabka ku adkeeyay in midkoodna 17-ka shirkadood aanu haysan ruqsad ansax ah oo uu lacagaha ugu soo xawilo Itoobiya.
Bangiga ayaa sidoo kale ka digay in adeegsiga marinnada xawaaladaha aan ruqsadda haysan uu keeni karo khasaare maaliyadeed, dib-u-dhac ku yimaadda lacagaha, xannibaad lagu soo rogo akoonnada, iyo tallaabooyin sharci ah oo laga qaado dadka lacagaha diraya iyo kuwa qaadanaya.
Bangigu wuxuu qurbajoogta ugu baaqay inay hubiyaan in shirkadaha ay adeegsanayaan ay ku jiraan diiwaanka rasmiga ah ee hay'adaha xawaaladaha ee uu bangigu aqoonsan yahay, ka hor inta aysan lacag dirin.