Addis Ababa (Dawan) — Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya (NEBE) ayaa shaaciyay in 54,057,861 qof ay isu diiwaangeliyeen inay codkooda dhiibtaan doorashada guud ee toddobaad ee dalka, iyadoo la xaqiijiyay in dhammaan diyaar-garowga doorashada la soo gabagabeeyay ka hor maalinta codbixinta ee Isniinta.
Sida lagu daabacay xogta Worldometer, tirada guud ee shacabka Itoobiya ayaa lagu qiyaasay 138.9 milyan sanadkan 2026, taasoo ka dhigan in codbixiyeyaashu ay yihiin qiyaastii 39 boqolkiiba dadka dalka.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya, Melatwork Hailu, ayaa sheegtay in guddigu dhammaystiray qaybinta qalabka doorashada iyo diyaarinta goobaha codbixinta si loo xaqiijiyo in doorashadu u dhacdo si habsami leh.
Waxay sidoo kale xustay in xisbiyada iyo siyaasiyiinta loo oggolaaday waqti ku filan oo ay bulshada ugu soo bandhigaan barnaamijyadooda iyo qorshayaashooda doorasho, arrintaas oo ay sheegtay inay tahay mid markii ugu horreysay loo hirgeliyay qaabkan.


