Zimbabwe (Dawan)— Jabuuti ayaa qorshaynaysa inay dardar-geliso isticmaalka tamarta qoraxda, iyadoo mudnaanta siinaysa deegaannada miyiga ah ee fogfog ee aan weli ku xirnayn shabakadda korontada qaranka, sida ay sheegtay Wasaaradda Tamarta dalkaas Jimcihii.
Qorshaha ayaa qayb ka ahaa wadahadallo dhexmaray Wasiirka Tamarta Jabuuti, Jaamac Maxamed Xasan, iyo Agaasimaha Guud ee Isbahaysiga Caalamiga ah ee Tamarta Qoraxda (ISA), Ashish Khanna, oo ku kulmay magaalada Victoria Falls ee Zimbabwe, intii uu socday shirkii 8-aad ee wasiirrada Guddiga Gobolka Afrika ee ISA.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada koronto-siinta miyiga, tababarrada farsamada iyo horumarinta kaabeyaasha tamarta qoraxda.
Qorshaha waxaa sidoo kale qayb ka ah in Jabuuti laga hirgeliyo xarun goboleed oo STAR-C ah, taas oo noqon doonta xarun tababar iyo khibrad farsamo, isla markaana gacan ka geysan doonta dejinta halbeegyada iyo tayada qalabka tamarta qoraxda.