Soomaaliya, 1 Maarso 2026 (Dawan )- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u muujiyay "garab istaag buuxa" dalka Qatar kaddib wadahadal dhanka taleefanka ah oo caawa oo Axad ah la yeeshay Amiirma Qatar, Tamiim bin Xamad isaga oo ku tilmaamay in xadgudub kasta oo ka dhan ah madaxbannaanida Qatar uu yahay mid baalmarsan sharciga caalamiga ah oo aan marmarsiinyo loo heli karin.
Bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu faafiyay barta X, ayaa lagu sheegay in Xasan uu la hadlay Amiir Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani si uu u xaqiijiyo taageerada Soomaaliya u fidinayso madaxbannaanida dhuleed iyo cirka ee Qatar.
Wadahadalkan ayaa ku soo aadaya ka dib markii gobolka uu ka bilowday dagaal ballaaran oo duqeymo ah, kadib markii Maraykanka iyo Israa’iil ay weerarro isku dubaridan ku qaadeen Iiraan, taas oo keentay in Tehraan ay gantaallo iyo diyaarado aan duuliyaha lahayn oo aargudasho ah ku riddo fariisimaha ciidanka Maraykanka ee ku yaalla Gacanka, oo ay ku jiraan kuwa ku yaalla Qatar.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay dib u eegis ku sameeyeen "saameynta khatarta ah" ee ka dhalan karta xiisadda ciidan ee Bariga Dhexe, iyagoo xoogga saaray baahida degdega ah ee loo qabo in la qaboojiyo xiisadda.







