Muqdisho (Dawan) -Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixisay natiijada doorashada ku-celiska ah ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug, sida lagu sheegay go’aan rasmi ah oo maanta ka soo baxay maxkamadda. Go’aankan ayaa yimid kaddib markii Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha uu Maxkamadda Sare u gudbiyay natiijada doorashada ku-celiska ah ee la qabtay 30-kii Sebtembar 2026.
Doorashadan ayaa daba socotay go’aankii Maxkamadda Sare ay 24-kii Agoosto 2026 ku laashay doorashadii Golaha Wakiillada Galmudug, taas oo keentay in mar kale loo dareero doorasho ku-celis ah.