Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa billowday mashruuc ballaaran oo dib loogu horumarinayo dhul dowladeed oo ku yaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaas oo hore looga raray shacab degganaa, iyadoo sheegtay in mashruucu qayb ka yahay qorshaha lagu casriyeynayo caasimadda, laguna horumarinayo kaabeyaasha magaalada, isla markaana taageeraya kobaca dhaqaalaha.
Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa dhagax-dhigay mashruuca isku dhafan, isaga oo sidoo kale xarigga ka jaray waddo cusub oo loo dhisay in ay fududeyso isu socodka deegaanka.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Hawlaha Guud, mashruucan waxaa laga hirgelin doonaa xarun ganacsi oo casri ah (Mall), guryo la deggan yahay, xarumo ganacsi iyo goobo madadaalo, iyadoo ujeeddadu tahay horumarinta kaabeyaasha magaalada, abuurista fursado shaqo iyo soo jiidashada maalgashiga gaarka loo leeyahay.
Munaasabadda lagu daahfurayay mashruuca waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Xoosh), Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Sareeye Guuto Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), saraakiil sare oo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo maalgashadayaal ka socda ganacsiga gaarka loo leeyahay.