Jabuuti, 2 Maarso 2026 (Dawan)– Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jabuuti ayaa si rasmi ah u daahfurtay muddada soo gudbinta codsiyada murashaxiinta doonaya inay u tartamaan doorashada madaxtinnimada ee la qorsheeyay 10-ka Abriil, sida ay Axaddii sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti.
Sida lagu caddeeyay bayaanka rasmiga ah, murashaxiintu waxay galalkooda u gudbin karaan Maxkamadda Sare laga bilaabo 2-da Maarso ilaa 11-ka Maarso. Codsiyada waa in lagu soo gudbiyaa laba nuqul oo shakhsi ahaan uu murashaxu u saxiixay, isla markaana laga diiwaangeliyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taasoo bixin doonta warqad xaqiijinaysa gudbinta.
Dukumiintiyada codsiga waa inay ka koobnaataa faahfaahinta aqoonsiga murashaxa, sida magaca, xirfadda, degaanka, taariikhda iyo goobta dhalashada, iyadoo lagu lifaaqayo dukumentiyo ay ka mid yihiin shahaadada dhalashada oo uu soo saaray garsoore, nuqul la xaqiijiyay oo shahaadada dhalashada ah, taariikh nololeed (CV) ay ansixisay waaxda sharciga ee wasaaradda, iyo warqad laga soo qaatay diiwaanka garsoorka.







