Muqdisho (Dawan)— Soomaaliya waxay u baahan tahay inay dedejiso dib-u-habeynta hay’adaha, xoojiso xiriirrada ganacsi ee gobolka, isla markaana diyaariso mashaariic dhaqaale ahaan hirgeli kara si ay faa’iidooyin muuqda uga hesho xubinnimada Bulshada Bariga Afrika (EAC), sida lagu sheegay bayaan laga soo saaray shir ka dhacay Muqdisho.
Bayaanka Muqdisho ayaa la soo saaray dhammaadkii shirweynihii saddexaad ee Fursadaha Bulshada Bariga Afrika, EACON 2026, oo qabsoomay 12-kii iyo 13-kii Oktoobar. Shirku wuxuu isu keenay in ka badan 800 oo qof, oo ay ku jiraan mas’uuliyiin dowladeed, xildhibaanno, hay’ado goboleed, ganacsato, aqoonyahanno iyo bahwadaagta horumarinta.
“Dalka Soomaaliya, qiimaha dhabta ah ee ku biirista Bulshada Bariga Afrika wuxuu ku jiraa hirgelin wax-ku-ool ah, xoojinta tartanka gobolka, maalgashiga horumarinta aqoonta iyo xirfadaha dadka, iyo iskaashiyo fursadaha u beddela natiijooyin la taaban karo,” ayay tiri guddoomiyaha EACON 2026, Dr. Aamina Sheekh Cunar.
Bayaanku wuxuu sheegay in xubinnimada EAC ay tahay bilowga safarka isdhexgalka Soomaaliya, halkii ay ka ahaan lahayd dhammaadka, isagoo xusay in faa’iidooyinka laga filayo ay ku xirnaan doonaan hirgelinta heshiisyada, suuqyo tartan leh, maalgashi wax-soo-saar leh iyo shaqaale xirfad leh.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa isaguna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in heshiisyada gobolka loo beddelo sharciyo iyo hay’ado si wax-ku-ool ah u shaqeeya, lana maalgeliyo dhallinyarada, iyadoo la xoojinayo tartanka ganacsiga iyo hagaajinta nolosha bulshada.
MAALGASHIGA IYO GANACSIGA GOBOLKA
Bayaanku wuxuu ku baaqay in laga gudbo dhiirrigelinta guud ee maalgashiga, loona wareego diyaarinta mashaariic si dhab ah u hirgeli kara, maalgelin soo jiidan karta, isla markaana keeni karta faa’iidooyin dhaqaale oo muuqda. Dekedaha, saadka iyo gaadiidka, kalluumeysiga, dhaqaalaha ku tiirsan badda, beeraha, tamarta la cusboonaysiin karo, adeegyada dhijitaalka ah iyo wax-soo-saarka warshadaha ayaa lagu tilmaamay qaybaha mudnaanta leh ee maalgashiga.
Waxa kale oo bayaanku ku baaqay in la fududeeyo habraacyada kastamka iyo xuduudaha si loo yareeyo kharashaadka ganacsiga, loona suurtageliyo in shirkadaha Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb qaataan suuqyada gobolka iyagoo ah wax-soo-saarayaal, dhoofiyayaal iyo maalgashadayaal.
Bayaanku wuxuu sidoo kale ku baaqay in Soomaaliya ay si isku-dubaridan u wajahdo xubinnimada EAC, ku biirista Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) iyo ka-qaybgalka Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), si dib-u-habeynta ganacsiga ay u xoojiso booska dalka ee suuqyada gobolka iyo kuwa caalamka.