Muqdisho (Dawan) – Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin R. Anderson, ayaa beeniyay in dowladda Mareykanka ay qorsheynayso inay saldhig militari ka dhisayso Somaliland, isagoo mar kale caddeeyay in siyaasadda Mareykanka ay ku dhisan tahay taageerada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo midnimada dhulkeeda.
Anderson ayaa hadalkan ku sheegay wareysi ay maanta oo Jimco ah baahisay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, kaddib markii wax laga weydiiyay booqashooyinka soo noqnoqday ee saraakiisha AFRICOM ay ku tagaan Somaliland iyo in Mareykanku damacsan yahay inuu halkaas ka sameeyo saldhig ciidan.
"Ma jiraan wax qorshe ah oo lagu dhisayo saldhig ka jira Somaliland," ayuu yiri Jeneraal Anderson.