Muqdisho (Dawan)— Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya horraantii sagaashamaadkii ayaa sababay in ay wiiqmaan hay’adihii dowladnimada, isla markaana ay adkaato helitaanka adeegyada aasaasiga ah. Kadib waxaa soo ifbaxay , ururrada bulshada rayidka ah ayaa door muuqda ka qaatay dadaalladii lagu sii wadayay adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo taageerada bulshada.
Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda ayaa maanta soo bandhigay cilmi-baaris lagu falanqaynayo doorka, waxtarka iyo caqabadaha haysta ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo kaalinta ay ku leeyihiin hufnaanta maamulka iyo isla-xisaabtanka dowladda.
Cilmi-baaristu waxay sidoo kale eegaysaa qaab-dhismeedka ururrada bulshada rayidka ah, madax-bannaanidooda iyo awoodda ay u leeyihiin in ay gacan ka geystaan xoojinta isla-xisaabtanka iyo horumarinta dowladnimada.