Nugaal (Dawan)– Deeq raashin ah oo ay bixisay Xarunta Gargaarka iyo Arrimaha Bani’aadannimada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya (KSrelief) ayaa shalay la gaarsiiyay 470 qoys oo ku nool deegaannada Jalam iyo Godob Yar ee gobolka Nugaal, kuwaas oo ay dhawaan saameeyeen roobab xooggan iyo daadad.
Gargaarka oo ay qaybisay Hay’adda Tadamun ayaa ka koobnaa noocyo kala duwan oo raashin ah, waxaana loogu talagalay qoysaska danyarta ah ee sida daran ay u waxyeelleeyeen roobabkii mahiigaanka ahaa ee ka da’ay deegaannadaas.
Roobabka xooggan iyo daadadka ka dhashay ayaa sababay burbur hantiyeed iyo barakac, iyadoo qoysas badan ay waayeen hoy iyo agabyada kale ee lama huraanka u ah nolosha. Dadka ay dhibaatadu saameysay ayaa weli u baahan taageero si ay uga soo kabtaan khasaaraha ka dhashay masiibada dabiiciga ah.